‘Ilmahaygu waxba kuma barto Dugsiga’

Mukhtar Abdulle
3 min readOct 12, 2021
https://unsplash.com/@alfasy

‘Ilmahaygu waxba kuma barto Dugsiga’

Somaalida waxa eey dhaqan u lee yihiin in caruurtooda dugsi la geeyo ayagoo da’adooda yartahay si eey Quraanka u bartaan una xifdiyaan.Dugsiyada waxaa laga helaa meel kasto oo eey Somalidu joogto.Weey adagtahay si aad ula kulantid qof somali ah oo dugsi soo marin yaraantoodi.Dugsiyada waxa eey qayb kayihiin huwiyada ama aqoonsiga qofka soomaaliga ah.

Ardayda dugsiga la keeno waxa laga filaa ineey cilmi iyo Quraan ka karorsadaan,saas ee tahay mararka qaar waxa dhacdo in caruurta wax badan eesan kafaaidin dugsiga.Waalidka waxa uu layaaba sababta ubadkiisa waxa uusan uga baranin dugsiga ama Quraanka Juz Camo uga udhaafi la’ayahay.Waxa aan jeclahay inaa arintaas dhoor qodob oo kagajawaabayo

1.Waa maxay hadafka aad ka leedahay ilmahaada dugsisgiisa?

Suaasha loo baahan yahay in waalidka is weeydiiyo inta uusan wax kale kudhaqaaqin.’ Waa maxay sababta aan wiilkeega ama gabadheeda aan ugeynaayo dugsiga?’ Waxaa lagayaabo inteena badan in eey nagatahay dhaqan soo jireen ah iyo arin waalidkeena noo sameeyeen yaraanteni.Dhibka ee arintaas leedahay hadaad sidaas ufakarto waxa weeye in aadan juhdi iyo dadaal badan aada galin sababtoo ah waa ‘ arin dhaqan ah’ laakin hadii niyadaada Allah dartiisa kaa tahay in aad ubadkaada geeso dugsiga si Quraanka iyo diinta ubarto waxa lagayaaba in uu wax badan kafaaideesto.Ogoow yoolka iyo hadafkooda aad leedahay waa qayb muhiim ah oo ubadkaada ku kaalmeyn karto hormarkiisa.Hadaada ogeyn sababta aa dugsiga ugeeso ubadkaada ogoow waxbo ma baran doono!

2.Niyada fiican iyo Rabitaankada kali wax laguma barto

Kuligeen waan jecelnahay in aan helno guri fiican,dhaqaalo badan,waxbarasho tayo leh,caruur tarbiyo leh iyo in aan janada galno si dhib yar laakiin rabitaan kali aan lasoconin wax shaqo iyo dadaal ah waa hal bacaad lagu lisay.Kawaran hadaad ubadkaada dugsiga geeyso adigoo ka caawinin cashrikiisa,adigoo saacad ama dhoor saacadoda la fadhiisan ama cashir aada la diyaarinin.Kawaran hadaada adiga kumashqulsantahay snapchatt/tiktok/youtube iyo sheeko aan micno laheen sidee ubadkaada uga dhaadhicin kartaa in uu wax aqristo. Sababta uu ilmahada wax ubarnin waa adiga .Taladeeda waa kac oo wax qabo si ubadkaada wax ubarto,dhaxda xiro oo naf iskuyeel!

3.Ogoow ubadkaada adiga ayaa masuul ka’ah

Waxa suurta gal ah in aan isdhahno ‘ hebel iyo heblaayo ilmahooda wax ma barto,aniga kali dhibkaas ma qabo’.Hebel iyo heblaayo caruurtoda adiga masuul kama tihid kuwaada ayaa masuul katahay.Ogow macalinka ama macalimada waa macalin waxa eey masuuliyada ka saaran tahay arday tiro badan laakiin adiga waxaa masuul katahay ubadkaada kali.Marka aad fahantid masuuliyadada inee tahay waxbarashda caruurtada ayaa dadaali kartaa sababtoo ninki seexdo saciisa dibo ayuu dhalaa.

5.Macalin iyo Dugsi aan Tayo laheen.

Waxaa lagayabaa in waalidka dadaal badan yahay lkn uusan heesanin dugsi iyo macalimiin la shaqeeyo oo ardayda si daacad nimo ah wax ubaro.Waxa aad la kulmeesaa macalin subax kasto soo habsaamayo,taleefankiisa kumashquulsan,waxbarashada ardaydiisa eeysan wax walwal ah kuheenin.Waa arin muuqato ubadkaada sabobtoo wax ubaran la’ayahay ineey tahay macalin aan shaqadiisa qabsanin.Hadayicin ubadkaada waqtigiisa ee macalin iyo dugsi wanaagsan raadso.

4.Sabar

Mararka qaar wee dhacdaa in aa dadaal badan aan sameeyno laakiin wali caruurteena wax badan eesan kafaaidin dugsiga.Sabar oo dulqaado,raadso dugsiga ama macalin aad isleedahay ilmahaada wax wax ayuu kabaran karaa.Uduceey ilmahaada,niyada udhis marneh qalbiga haka dhaawicin ogoow Ilaahey wax kasto awood ayuu u leeyahay.ha isdhiibin

Gunaanadkii afartaa qodob aan horo kaga hadlaayo kali ma’aha kuwa keeni karo in ubadkaada wax baranin laakiin waxaa jiri karo dhibaatooyin kale oo keeni karo in ubadkaada kuliito waxbarashada dugsiga.Waxaa muhiim in wax la xifdiyo kali ma’aha qaabka lagu cabiro in ardayga wax bartay laakiin hada waa qaabka kali ee dugsiyadeena isticmaalaan.Waxa aan rajeynaa in dugsiyadeena aan wax wayn kabadalno si ubadkeda u helaan waxbarashada dhameestiran dhan kasto.Waxa aan jeclahay inaan hal suaal idin weeydiiyo oo ah ‘ Waa maxay qiimaha dugsiga kuu leeyahay?

--

--

Mukhtar Abdulle

Making the World a better place by sharing my thoughts with you!